Waxaa isku dayi doona inaa ku soo koobno maqaalkaan kitaabul xaj. Si qofka caamiga, caalimka iyo daalibu cilmigaba eey fikrad fiican uga qaataan in shaa Allah. Waxaa Ilaaheey weediisaneena towfiiqda iyo ikhlaas.
Waxaa u qeebinay xajkoo dhan todobo (7) qeeybood, mid walbana waxaa hoos jooga dhowr qodob.
Al mawaaqiitu zamaaniya
Waa xiliga xajka la xirto aan laga hormarin Karin lagana dib dhigi Karin inaan ogaano waxee tahay. Ilaaheey wuxuu leeyahay subxaanahu watacaala الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ ۚ xajka waa bilo layaqaano. Qofkii xaj xirto looma ogala baashaal hadal xumo iyo faasiqnimo. Bilahaa Rabi sheegay waa kuma?
Cabdullahi Binu Cabbas, Cabdullahi Binu Camar Binu Caasim, Cabdullahi Binu Cumar iyo Cabdullahi Binu Zubeyr, afartaba waxeey isku waafaqsan yihiin ineey tahay: Shawaal (Soon fur), Dil qacd ( Sidataal ) iyo Dil xaj ( Arafo) gaar ahaan Dil xaj tobankeeda hore.
Almawaaqiitu makaaniya
Goobaha xajka laga xirto oon la dhaafi Karin Nabigana ﷺ uu jideeyay. , Cabdullahi Binu Camar Binu Caasim( rc) wuxuu yiri Nabiga ﷺ wuxuu u asteeyay ree Madiina Dulxudeyfa Meesha layiraah, halkaas inee ka xirtaan ma dhaafi karaan dadka madiina jooga.
Ree shaam ( Suuriya, Falastiin, Lubnaan iyo Urdun) waxaa loo qoondeeyay Juxfa halkaas ayee ayagana ka xiranayaan xajka masoo dhaafi karaan.
Ree najdi ( Riyaad iyo dhanka bariga ) qolyaha ka imaanaya Nabiga ﷺ wuxuu u jideeyay Meesha la yiraahdo Qarnal manaazil ( Aseylal kabiir ) waa buurta Daaif hoosteeda.
Ree Yamana meehsa Yalamlam loo yaqaano ayuu u asteeyay Nabiga ﷺ. Afartaas (4) meel ayuu qoondeeyay Nabiga ﷺ wuxuuna yiri meelahaas dadka aan u qoondeeyay ama loo magacaabay ayaa ka xiran doona iyo cid walba oo soo marta ee aan u dhalan Meesha.
Anwaacu nusuk
Xajka qaababka loo xirto ama inta qeeb uu kala yahay. Qofka muslimka ah wuxuu xiran karaa:
Mufrad xaj kaligii ah ayuu xiran karaa.
Al tamatuc cimra intuu la imaado ka dibna xaj ka daba geeyana wuu xiran karaa.
Al qiran waa is dhex galin xaj iyo cimro halmar inuu wada xirto ayadana waa la ogol yahay.
Shuruuda xajka
Xajka wuxuu waajib ku yahay qofkii laga helo shan (5) shardi qofkii aan laga helina lagama rabo waajib kuma aha balse haduu la imaado dhib malahan.
Waa in uu qof muslim ahaado
Waa in uu qof caaqil ahaado. Qof waalan xaj lagama rabo.
Waa in uu qof qaan gaar ah yahay. Hadii asoo qaan gaar eheen guto xajka wuu ansaxayaa waalidkiisna ajarka waa lagaga qorayaa laakiin xajkii islaamka kagama dhacaayo.
Waa in uu qof xur ah yahay. Hadii uusan xuriyad heesan xaj kuma waajib ahan.
Waa in uu qof awood u leh yahay. Awood maal, awood waraaqado Passport, Visa iyo wixii lamid ah. Awood gaadiidkuu raaci lahaa iyo awood jireed iyo mid caafimaadba inuu leeyahay.
Waxaa jirta mid lixaad oo gabadha muslimada la gaar tahay oo ah in maxram hesho. Maxaa yeelay Nabiga ﷺ wuxuu yiri gabaar muslimad ah yeesan kaligeed safrin meel habeen iyo maalin loo socdo. Nin baa yiri oo saxaabada ka mid ah waxaan ku qoranahay duulaan xaaskeygana waxeey aaday xajka, Nabiga ﷺ wuxuu yiri xaaskaaga la xaji. Jihaadkii ayaa waxaa laga hormariyay xajka si uu xaaskiisa muxram ugu noqdo.
Arkaanta xajka
Xajka tiirar ayuu leeyahay hadii mid lawaayana xaj ma ansaxaayo. Waa sida guriga oo kale hadii tiir lawaayo wuu soo dumayaa.
Al niyah qofka waa in uu xirtaa لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ حَجًّا waa inuu ku dhawaaqaa ama uu niyeesto.
Dawaaful ifaada maalinta tobanaadka iyo wixii ka danbeeyo uu sameeyo.
Safa iyo Marwa inta u dhaxeeso inuu sacyi sameeyo todobo jeer (7).
Carafo in la istaago Nabiga ﷺ wuxuu yiri الحج عرفة xajka dhanba waa carafe.
Waajibaatul xaj
Xajka waajibaat ayuu leeyahay waana todobo waajib (7)
Qofka markuu لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ حَجًّا uu leeyahay waa in miiqaatka kasoo xirtaa.
Qofka markuu carafo istaago maalintii inuu ilaa habeenki jooga nus saacba ha ahaatee inta qoraxda ka dhaceeso waa in uu joogaa.
Qofka waa in uu mustalifo baryo ama seexdo.
Qofka waa inuu sadexda (3) habeen ee hilba waradka loo yaqaano 11, 12 iyo 13 qofka aan tacajul sameen waa in uu mina baryo
Qofka waa in uu dhagax tuur sameeyo jamratul caqaba iyo jimaarta kale waa in uu tuurto
Qofka waa in uu timo xiirasho ama gaabin uu sameeyo
Qofka waa in uu dawaaful wadaac masjidka, xaramka iyo kacbada dawaaf lagu sagootiyo waa in la imaada markuu xajka dhameesto.
Maxduuraatul ixraam
Qofka marba haduu لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ حَجًّا uu yiraahdo ilaa uu ka xalaaloowo sagaal (9) sheey ayaan loo ogaleen
Timaha in la taabto lama ogala
Cidiyaha in la taabto lama ogala
Dhar jirka loo tolay in la xirto lama ogala
Catar in la marsado lama ogala
Haween in lala baashaalo lama ogala ayadoon galma la gaarin.
Haweeneeyda ayadana in nin la baashaasho lama ogala.

