You are currently viewing TOWBADDA WANAAGSAN

TOWBADDA WANAAGSAN

Culimada waxeey yiraahdeen farqi baa u dhaxeeya towbadda iyo istiqfaarta oo wxaa sii xeel dheer bee yiraahdeen towbadda. Sababtoo ah towbadda waxee la xiriirtaa wixii tagay, waxa la joogo iyo kan soo socda.
Qofka wuxuu ka towbad keenaya wixii hore ee dhacay, wuxuu ka dhex baxayaa danbiga hada uu ku jiro sidoo kale wuxuu ka goaan qaadanayaa danbiguu sameen lahaa.
Istiqfaarkana waa wixii tagay. Oo adoonka markuu istiqfaarsanayo wuxuu Alle weydiisanaya inuu ka sifeeyo ama ka tirtiro wixii uu horay u geestay. Laakiin labadaba waa laysku darayaa oo qofka waa in uu Alle u laabto kana codsado wixii ka dhacay inuu u dhaafo.
Xukunka Towbadda
Qofka marwalba uu danbi galo waajib bee ku tahay inuu Ilaaheey uga soo noqdo subxaanahu watacaala.
Shuruudaha Towbadda
Si towbadda u noqoto mid wanaagsan waa in la helaa ilaa shan shardi
Waa in qofka danbiga faraha kala baxaa.
Taaib lama yiraahdo qof danbigii ku jira oo leh waa towbad keenay, isagoo wali ku jira hooshii taas towbad maaha.
Danbiga waa inuu ka murugoodaa
Hadii wali uu ku farax sanyahay danbiga uu galay taaib maaha.
Waa inuu goaan sadaa danbiga inaanu dib ugu noqon
Towbadda waa in ey waqtigeeda joogtaa
Waqtiyo waxaa jira towbadda aan la aqbaleenin sida marka nafta eey kalxamaha timaado ama suurta la afuufo ay soo dhawaato.
Xaqa bini aadamka oo laga xalaaloowo
Hadii danbiga cida aad ka gashay bini aadam yahay waa inaa ka xalaalowda ama u celisaa. Adigoo xaqii umada sita markaa tiraahdo waa towbad keenay ansax maaha.