Maalmaha sanadka waxaa u fadli badan maalinka carafo sida habeenada sanadka ugu fadli badan tahay habeenka Laylatul Qadriga.
Nin yahuudiya ayaa u yimid Cumar Bin Khadaab RC wuxuu yiri “hadii ay nagu soo dagi laheed aayad quraankiina ka mid ah oo aad aqridaan maalinkaa ciid baanu ka dhigan laheen”. Waa ayaadee ayuu wee diiyay Cumar RC, Yahuudigii ayaana ku jawaabay ayaada الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا oo micnaheedu tahay (maanta idiin dhameestiray diintiina, nicmadii islaamkana waa idin kaamil yeelay, diinta islaamkana dhaqan ahaan ayaan idinkaga raali noqday).
Cumar Bin Khadaab wuxuu yiri waxaan ogahay maalintee soo dagtay oo ah maalinka Carafo waliba maalin Jimca ah.
Duca la duceesto waxaa u fadli badan ducada maalinka Carafo ayuu yiri Nabiga SCW. Aniga iyo Nabiyadii iga horeeyana waxaa dhahno waxaa u fadli badnaa لا إلهَ إلاَّ اللَّه وحْدهُ لاَ شَرِيكَ لهُ، لَهُ المُلْكُ، ولَهُ الحمْدُ، وَهُو عَلَى كُلِّ شَيءٍ قَدِيرٌ waana duco amaan ilaaheey xambaarsan.
Maalinkaa isaga ah qofka aan xajka gudaneenin ee carafe taagneen waxaa u fadli badan inuu soomo siduu Nbiga SCW yiri Ilaaheey waxaan kaga sugayaa inuu igaga dhaafo sanadkii hore iyo kan soo socdaba maalinkaa soonkiisa.
Maalinkaa isaga ah camalada lasameenayo waa kala duwan yihiin, waxaana kow ka ah in la badiyo ducada, sidoo kale digriga ilaaheey in la badiyo iyo xuska iyadoo qofkana uu sooman yahay.
Balse qofka carafa taagan waa howleesan yahay isaga inuu sooma uma fiicna, inuu iska afuraa u fiican. Culimada waxeey ku fasiraan waa اليوم المشهود waa maalin goob jog leh.
Maalinkaa isaga ah waa maalinkii Ilaaheey uu ku dhaartay ayeey culimada qaarkood leeyihiin وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ (tirade isdhiman iyo tirada buuxda). Tirada buuxda waxeey leeyihiin waa maalinka carafa.
Maalinkaa isaga ah marka aad ku baraarugsan tahay fadligiisa camalka aad sameesaana wuu fadli badnaanayaa.
Nabiga SCW wuxuu noo tilmaamayaa waa maalinkaa Ilaaheey ugu badan yahay xoreenta adoomaha uu naarta ka xoreeyo.
Sidoo kalena waa maalinka ugu ciil badan yahay sheydaanka, oo markuu arko umadii Ilaaheey oo xaga Alle usoo jeeda oo goobtii carafa wada taagan Alle daraadiina u taagan oo halkaa kusoo aruurtay sheydaanku maalinkaasu ugu dulli badan yahay ugu daciif badan yahay.
Marka fursadaa yeesan ina dhaafin qofkii xajka jooga ee camalkii halkaas ku gudanayana haka faaiideesto. Qofka maqana hala dareen noqdo oo haku dadaalo soonka iyo cibaadooyinka kale.
Toowfiiqda Allah nawaafajiyo.

