Nabiga (SCW) wuxuu ku yiri Abuu Muusa AL Ashcari, Cabdullahiyow maku baraa kalimad ama weedh kamid ah kaydadka Janada. Markaasuu yiri Haa Rasuulki Iaahayoow, maxeey tahay? Nabiga (SCW) wuxuu yiri لا حول ولا قوة إلا بالله waa keyd kamida keydadka Janada.
Hadalkaa mid lamida wuxuu yiri Nabiga (SCW) Abuu Hureyra, Sidoo kale mid lamida wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal, mid lamida wuxuu ku yiri Abii Daril Gifaari, saxaabadiisa rag badanoo kamida buu ka hadalkaa Nabiga (SCW) ku yiri oo u sheegay.
Habeenkii Nabigeena (SCW) la dheelmay sida Axmed Ibnu Xabaal iyo ee warinayaan ee Jibriil is raaceen todobada (7) samo korkooda la geeyay. Nabigeena (scw) aayaadkii cajabta badnaa ee waaweena Ilaaheey soo tusay, habeenkaa waxyaalihii uu Nabiga (scw) soo arkay waxaa kamid ahaa Anbiyadii Ilaaheey iyo Rusushiisii buu sii maray oo samaawaadka ku sii maray, waxaa ugu danbeeyay oo samada todabaad (7) ku sii maray Nabi Ibraahiim Cs.
Nabi Ibraahim Cs ayaa Jibriil weediiyay yaa kula socda? Markee salaameen kadib. Wuxuu yiri waxaa ila socda Muxamad. Nabi Ibrahim Cs ayaa markiiba ku jeestay Nabiga (SCW) markaasuu yiri Muxamadoow umadaada waxaad amartaa ineey badiyaan beerta Janada, waxyaabihii Janada lagu beeri lahaa ha badsadaan. Markaasuu Nabiga (SCW) yiri Ibraahiimoow Janada waxa lagu beerto muxuu yahay ? Nabi Ibraahim Cs wuxuu yiri لا حول ولا قوة إلا بالله beertii Janada waa taas.
Fariintaas waxa Nabiga (scw) usoo dhiibay Aabihii Ibrahib Cs (خليل الرحمن) umadaadana gaarsii buu ku yiri Nabigana (scw) wuu nasoo gaarsiiye.
Waa cajiib kalimo لا حول ولا قوة إلا بالله oo intaa dhan side bee keydka Janada ku tahay? كنز waxaa la yiraahdaa xoola weyn oo fara badan oo hadana qaali ah keydna gali kara ayaa la yiraahdaa كنز. Marka keydka Janada iyo Beerta Janada kalimadani see ku noqotay? Macnaheeda waxa waaye kalimo un carabka laga yiraahdo hadee ahaan laheed heerka ma gaadho, balse kalimadani waxeey xambaarsan tahay sir cajiib ah iyo macna aan caadi aheen.
Nabigeena (scw) in uu yiri adoonka markuu gurigiisa kasoo baxayo haduu yiraahdo بسم الله، توكلت على الله، لا حول ولا قوة إلا بالله waxaa lagu dhahaa waa lagu kaafiye waana lagu ilaaliye waana lagu hanuuniye, sheydaana waa ka fogaanayaa. Riwaaya kala waxee leedahay shayaadiintii baa waxeey isku sheegayaan ruux la ilaaliye oo la kaafiye oo la hanuuniye jidkee u mari kartaa? Maxaa ka qaban kartaa? Maxaad yeeli kartaa? Bananakaa ka mar.
Adoonka marka u uku wardinayo ama uu badinayo heerkaas waxeey gaareesaa oo ajarka intaas la eg ka ratibmaya markuu macnaheeda daalacanayo, qalbigiisa uu la socdo oo macnaha ee xambaarsan tahay kalimadu لا حول ولا قوة إلا بالله macnaheeduna waxa waaye isbadalkasta, dhaqdhaqaaq kasta kownaka ka dhacaya kan sare iyo kan hooseba, xaalad laga wareegoo tu kale loo wareego, awood loo yeesho arintaa iyada Ilaaheey idankiisa iyo doonitaankiisa iyo waafajintiisa bes un beey ku dhacdaa. Haduusan Alle doonin oo idmin ma dhici karto.
Adiga gooni ahaan taada marka aad leedahay لا حول ولا قوة إلا بالله wxaad leedahay “Rabiyoow awood umalihi inaan xaalad ka wareego tu kale u wareego, isbadal inaa sameeyo awood umalihi inaad adiga ii kaalmeeso mooyee.” Danbi iyo macsiyo inaan ka tago oon daacada aado awood umalihi inaad ii kaalmeeso mooye. Inaan wanaaga ku sugnaado sameeyo inaad ii kaalmeeso mooyee awoodeeda malihi. Awood teydaa wax kuma qabsado tabar teydaa wax kuma qabsado, xoog keyga ah ma isticmaalo, xeelad teyda ah malihi, hadaadan adiga ii kaalmeen.
Sidaas daraaded baa waxeey xambaar santahay macnaha tawakulka. Quraanka inbadan ku yimid Allah-na amray dadkiisana aad u amaanay towxiidkana sirtiisa ah ayeey kalimada xambaarsan tahay. Ilaaheey in la tala saarto arinta loo dhiibto, baahidaada aad qirto, miskiin nimadaada ogalaato, Ilaaheey Subxaanahu Watacaala awoodisa aad u qirto, kownka oo dhan iyo makhluuqaadkiisa wuxuusan isaga amrin oo idmin ineesan ka dhaceenin aad qirto, baahidaadana aad Ilaaheey u sheegato.
Markaa Ilaaheey kaalamada weediisato xaqiisana aad gudato, waa kuu kaalmeenaya Rabi Tabaaraka Watacaalaa, waa ku xifdinayaa, waa ku garab istaagayaa, waaku hanuuniyaa, waa ku toosinayaa, waa ku kabayaa, waa ku hagaajinayaa, waaku islaaxinayaa.

